Home Wararka Caalamka Qaxootiga Cusub ee Iska dhiiba Sweden oo Xaruumo Qasab ah la dajinayo

Qaxootiga Cusub ee Iska dhiiba Sweden oo Xaruumo Qasab ah la dajinayo

0

Dowladda Sweden ayaa go’aansatey in ay boqollaal milyan oo krone u qoondeyso miisaaniyada deyrta si loo sameeyo xarumo lagu celiyo qaxootiga la diido, xeryo la dejiyo oo qasab ah iyo in la kordhiyo awoodda xarumaha tarxiilka, taas oo qeyb ka ah siyaasaddeeda adag ee ku wajahan socdaalka iyo arimaha magangalyada.

Wasiirada socdaalka ee dalka Maria Malmer Steinergaard ayaa ku dhawaaqday go’aanka cusub ee dowlada intii ay ku guda jirtay socdaalkeeda, iyadoo uu weheliyo madaxa xisbiga SD Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson, waxaana la geeyey xarunta laanta socdaalka ee deegaanka Östorp ee gobolka Skåne.

Wasiirka ayaa sheegtay in dowladdu ay dooneyso in la sameeyo waxa ay ugu yeertay xarumo dib u celin, kuwaasoo loo wareejin doono dhammaan dadkii laga diiday codsigooda magangalyada ee Sweden, waxaana loo qoondeeyay arrintaas lacag dhan 300 milyan oo karoon.

Sida qorshaha dowladda uu dhigayo, xarumahan waxaa loo qorsheeyay in la dejiyo ilaa 2,900 oo qof.

Steinergard ayaa sidoo kale ku dhawaaqay kororka awoodda xarumaha masaafurinta, taasoo keeneysa in laga helo meelo badan sida uu sheegay TT.

Si taas loo gaaro, dowladdu waxay u qoondeysay 25 milyan oo karoon sanadka 2025, iyo 100 milyan 2026, oo ay ka faa’iideysaneyso hey’adda socdaalka.

Magangelyo-doonka oo lagu heenayo Xaruumahan

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay ku qasbida dadka magangalyo doonka ah in ay ku noolaadaan xarumaha qasabka ah, ilaa ay Laanta Socdaalka ka soo saarto go’aan ah in magangalyo la siiyo ama ay diidaan codsigooda.

Sida ku cad siyaasadda cusub ee dawladda, magangelyo-doonku xaq uma yeelan doonaan inay doortaan meesha ay deggayaan ka hor intaanay helin magangelyo iyo go’aanka degenaanshada ee Adeegga Socdaalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here