Home Wararka Caalamka 20 Sano jir kale oo lagu toogtay Bartamaha Caasimada Stockholm

20 Sano jir kale oo lagu toogtay Bartamaha Caasimada Stockholm

0
Photo: Fredrik Sandberg / TT

Wiil dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay labaataneeyo ayaa lagu toogtay meel banaan ah oo ku taal Vasastan, bartamaha Stockholm, shalay fiidkii.

Ciidamada Booliska ayaa howlgal gaar ah oo ay ku baadigoobayeen diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah waxa ay ka sameeyeen xaafadaasi, balse ilaa hadda ma jirto cid loo qabtay falkaasi.

Booliska ayaa la sheegay in rasaas laga maqlay bartamaha Stockholm abaare sagaalkii fiidnimo. Ciidamada ayaa markii ay goobta soo gaareen waxa ay sameeyeen dhaq-dhaqaaq dhanka wadnaha ah oo ay u sameeyeen qofka dhaawaca ah, waxaana loo qaaday isbitaalka. Saqdii dhexe ee xalay ayay boolisku ku dhawaaqeen in wiilka dhalinyarada ah uu u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Afhayeenka booliiska Stockholm Daniel Vikdal ayaa yiri: “Dad badan ayaa goobta joogay, nasiib wanaagna ma jiraan dad kale oo dhaawacmay.” Sida laga soo xigtay SVT.

Booliska ayaa ku dhawaaqay inay joogaan goobjoogayaal tiro badan, balse ma aysan cadeyn inay goobjoog ka ahaayeen dhacdadan lafteeda iyo in kale. Booliisku sidoo kale ma aysan go’aamin in dembigu uu la xiriiro dembiyadii hore ee rabshadaha ahaa ee dhacay dhawaan.

Dhowr goob joogayaal ayaa ku waramay in ay maqleen dhawaqa rasaasta kadibna ay goobta ka baxsadeen. “Baabuurka ayaan joojiyay, waxaana arkay dad ordaya,” ayuu mid ka mid ah oo la hadlay Aftonbladet. “Waxaan waydiiyay qof dumar ah waxa dhacay, waxayna igu tidhi qof walba wuu ordayaa sababtoo ah nin ayaa la toogtay.”

Booliska ayaa sheegay in dambiilaha uu yahay hal qof, balse wali ma jirto cid loo qabtay.

Booliska ayaa isku gadaamay aag ballaaran oo ku xeeran goobta uu fal-dembiyeedku ka dhacay xalay oo dhan, waxaana ay qaadeen xiritaanka wadooyinka aroornimadii maanta.

“Lama baran wax sidan oo kale ah oo halkan ka dhacaya,” qof deggan agagaarka ayaa u sheegay SVT. “Aaggu had iyo jeer aad buu u xasilloonaa.”

Xigasho: www.svt.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here