Home Wararka Caalamka Magdalena Andersson oo Dhaleeceesay Dowlada iyo Xisbiga SD

Magdalena Andersson oo Dhaleeceesay Dowlada iyo Xisbiga SD

0
Foto: Jonas Ekstromer / TT

Hoggaamiyaha mucaaradka ahna madaxa xisbiga S, Magdalena Andersson, ayaa si kulul u dhaleeceysay ra’iisul wasaaraha in uusan si dhab ah uga soo horjeedin xisbiga SD ee xiisadda lagu gubayo Qur’aanka, taasoo ka careysiisay hoggaamiyaha xisbiga, Jimmy Åkesson, oo ku tilmaamay weerarka Andersson inuu ahaa “mid aan laga fiirsan. ”

Maanta waxaa baarlamaanka Sweden ka dhacay dooddii ugu horeysay ee dhexmarta madaxda xisbiyada dalka kadib fasaxii xagaaga.

Axsaabta mucaaradka ayaa weerar ba’an ku qaaday xukuumadda. Magdalena Andersson ayaa ku eedaysay Ra’iisal Wasaare Ulf Kristersson in uu u ogolaaday SD in ay sii kordhiyaan dhibaatada Qur’aankan iyada oo adeegsanaysa hadallo kicinaya, iyada oo tixraacaysa hadalladii hoggaamiyaha xisbiga Rikard Jomshoof, oo ay ku jireen hadallo gef ah oo ka dhan ah Rasuulka.

Andersson ayaa sidoo kale muujisay sida ay u aaminsan tahay in dowladdu aysan wax ku filan ka sameynin la dagaalanka rabshadaha burcadda. Waxay sheegtay in ballanqaadyadii dowladda ee ahaa “dagaal ka dhan ah burcadda” aysan waxba ka soo bixin. “Sweden waxa ay noqotay mid aad khatar u ah, Iswidishkuna waxa ay noqdeen kuwo liita.”

Weerarkii hogaamiyaha mucaaradka ayaa Jimmie Åkesson ka carooday wuxuuna si kulul ugu jawaabay “Waa kan ra’iisul wasaarihii hore ee Sweden oo ku hadlaya wax aan jirin” isaga oo intaa ku daray “Waa arrin aad u qallafsan oo aan u qalmin ra’iisul wasaarihii hore iyo wasiirkii maaliyadda in uusan mas’uuliyadda qaadin.

Jimmie ayaa farta ku fiiqay siyaasadda soo galootiga ee ay ku dhaqmi jireen dowladihii hore, isaga oo ku eedeeyay xisbiga Hantiwadaaga in uu raacay siyaasad “ ula kac ah” oo ah kala qeybinta bulshada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here