Home Wararka Caalamka Xabsi Lagu Xukumay Hooyo iyo Gabadh ay dhashay oo Guryaha ku kireeya...

Xabsi Lagu Xukumay Hooyo iyo Gabadh ay dhashay oo Guryaha ku kireeya Suuqa Madow

0

Hooyo iyo Gabadh ay dhashay ayaa lagu xukumay Xukun xabsi kadib markii lagu helay in ay guryaha ku kireeyaan Suuqa Madow oo mamnuuc ka ah Dalka Sweden Sida warbixintan lagu qoray Joornaalka Hem & Hyra oo ka warama arimaha Guryaha.

Hooyada ayaa lagu xukumay Sanad iyo Shan bilood oo Xarig ah halka gabadha ay dhashay lagu xukumay Sanad iyo Todobo bilood oo xarig ah Sida Maxkamada ay ku dhawaaqday.

Maxkamada ayaa dhanka kale xukuntay in Hooyada iyo Gabadha ay dhashay ay bixiyaan lacagta dadkii laga kireeyay guryaha gaar ahaan lacagaha dadkaasi laga qaaday.

Sweden ayaa soo saartay sharciyo adag oo dhanka guryaha lagu kireeyo guryaha suuqa madow waxana kamid ah in Xabsi lagu xukumo qof walbo oo qaab suuq madow ah ku kireeya guryaha.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here