Home Wararka Maanta Xaafada Tensta oo Caawa toogasho ka dhacday, Booliska oo ka Warbixiyay

Xaafada Tensta oo Caawa toogasho ka dhacday, Booliska oo ka Warbixiyay

0
Foto: Bjˆrn Larsson Rosvall / TT

Abaaro 20.50 habeenimo ee Caawa ayaa rasaas laga maqlay Xaafada Tensta ee Waqooyiga Caasimada Stockholm.

Rasaasta ayaa looga shakisanyahay iskuday dil lakin qofna waxba kuma noqon toogashadaasi caawa dhacday.

Afayeen u hadlay booliska Ola Österling ayaa warbaahinta u sheegay in aysan jirin qof wax ku noqotay rasaasta caawa laga maqlay Tensta.

Waxa uu sheegay in ay wadaan baaritaan laga sameenayo goobta ay ka dhacday toogashada.

dhanka kale ma jirto qof loo qabtay falkan toogashada ah sida uu booliska u shegay warbixintiisa caawa.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here