Home News in English Xaafada Nacka: Maxakamada oo amartay in la Xiro Hooyo Dhashay Gabar 14...

Xaafada Nacka: Maxakamada oo amartay in la Xiro Hooyo Dhashay Gabar 14 sano jir Somali ah oo dhawaan la dilay

0
Björn Larsson Rosvall / TT

Maxkamad ku taal dalka Sweden ayaa go’aan ku gaadhay in la xidho hooyada dhashay gabadh meydkeeda laga helay guri dabaq ah oo ku yaala xaafadda Nacka, waxaana lagu soo oogay dacwad dil ah iyada iyo laba kale oo qaraabo la ah gabadha.

Dhageysiga dacwadda oo albaabada u xiran yihiin ka dhacay maxkamadda degmada Nacka , si loo dhageysto eedeysanayaasha, haweeney 46 jir ah, wiil dhallinyaro 21 jir ah iyo wiil 17 jir ah.

Gabadha laga shakiyay waa hooyada dhashay dhibanaha, halka wiilkuna uu yahay walaalkeed ka weyn, ninka dhalinyarada ahna ay qaraabo yihiin gabadha waxana lagu sheegay Somali inkastoo warbaahinta sheegin asal ahaanteeda.

Qareenada u doodayay ayaa sheegay in saddexda eedaysane ay beeniyeen dambiga lagu soo eedeeyay, balse ay maxkamaddu ka shakisan tahay in ay dhici karto in ay dil u geysteen sababo macquul ah, tuhunkana uu yahay mid xooggan.

Fiidnimadii Khamiista, booliisku waxay heleen warbixin ku saabsan isku -dayga gabadh ee guri ku yaal Nacka  . Gabadhan ayaa waxaa isbitaalka lagu geeyey diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah, balse uma suuragelin in la badbaadiyo nolosheeda.

Waxaa la rumeysan yahay in gabadha ay is dishay, balse  booliska ayaa  ka shakiyay xaaladda dhimashadeeda, waxayna Sabtidii fureen baaritaan dil ah, si ay u soo qabtaan saddex qof oo looga shakisan yahay dil.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here