Home News in English Dowlada Sweden oo sheegtay in Qofka uu dhalo Tirada Caruurta uu Masruufi...

Dowlada Sweden oo sheegtay in Qofka uu dhalo Tirada Caruurta uu Masruufi karo

0

Qofku waa inuusan dhalin carruur ka badan inta uu Masruufi karo,” ayay tiri wasiirka sinnaanta shaqada iyo jinsiga Eva Nordmark.

Nordmark ayaa shir jaraa’id la qabatay wasiirka qalabixinta Anderse Eggmann iyo wasiirka arrimaha bulshada Lena Hallingren wax yar ka hor, iyagoo ka wada hadlay tillaabooyinka dowladda ee lagu dhimayo kala soocidda bulshada dhexdeeda. Wasiirada ayaa diirada saaray baahida loo qabo in haweenka soo galootiga ah ay galaan suuqa shaqada.

Nordmark waxa ay tilmaantay in dumar badan oo soo galooti ah ay guriga ku joogaan iyaga oo marmarsiyoonaya daryeelka carruurta.

Wasiirka ayaa sheegtay in dowladdu ay xafiiska shaqada ka bilaabi doonto barnaamij lagu diyaarinayo haweenka shaqada, gaar ahaan kuwa muddada dheer ka maqnaa suuqa shaqada.

Dawladdu waxay doonaysaa inay wax ka bedesho xeerarka lagama maarmaanka u ah haween badan oo ajnabi ah inay soo galaan suuqa shaqada. Tan waxaa loogu talagalay in lagu qasbo kuwa hela taageerada masruufka (gargaarka bulshada) inay shaqo raadiyaan. Sida uu sheegay Ygeman.

“Haween badan oo ajnabi ah ayaa hubaal ah inay ka baxsan yihiin suuqa shaqada (…) Waa inaanan haysanin nidaam gargaar oo dumarka ku xira guriga,” Nordmark ayaa tiri.

Sharciyada ay dowladu rabto in ay wax ka bedesho waxaa ka mid ah waxa loogu yeero gunnada sal-dhigida (etableringsersättning) oo hadda ku xiran qoyska, ee ma ahan kaliya haweeneyda ama ninka. Dawladdu waxa ay doonaysaa in gunnada ay shakhsi ahaan u siiso, si aan loo bixin oo kaliya in ninka reerka ahi uu shaqo helo, sababta oo ah waxa maanta meesha ka jira, marka loo eego dhinaca dawladda, waxa ay keenaysaa in haweenaydu guriga ku sii joogto haddii. nin shaqo hela.

Hallingen ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay sidoo kale doonayso in ay dhaqangeliso waajibaadka shaqo ee ku aaddan helida taageerada masruufka (försörjningsstöd), isagoo xusay in dowladdu ay hadda baaritaan ku waddo arrinta

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here