Home News in English Dagaalka Ruushka ee Ukraine 24 May: Amar lagu bixiyay in lasoo Xiro...

Dagaalka Ruushka ee Ukraine 24 May: Amar lagu bixiyay in lasoo Xiro Madaxweynihii hore ee Ukraine

0
Foto: AP / NTB

Kuwani waa qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee la xiriira dagaalkii Ukraine Talaado May 24.

* Ruushka ayaa wada dagaal ka dhan ah Ukraine halkaas oo hadafku yahay in uu gaarsiiyo khasaare badan iyo burbur inta ugu badan ee suurtogalka ah, sida uu yidhi madaxweyne Volodymyr Zelenskyj.

Zelensky Waxa uu sheegay in tan iyo 24-kii Febraayo, ciidamada Ruushku ay soo rideen 2,275 gantaal, ayna ku faafiyeen 1,474 weerar oo gantaallo ah, oo ka dhan ah Ukraine iyo in intooda badan ay ku dhaceen bartilmaameedyo rayid ah. Isla muddadaas, Ukraine waxa ay diwaangelisay in ka badan 3,000 oo duqeymo xagga cirka ah oo Ruushka, sida lagu sheegay tirooyinka madaxweynaha.

*Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyj ayaa sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu yahay qofka kaliya ee uu la kulmi doono si uu ugala hadlo nabadda.

* Dhaqanka reer galbeedka ee ku wajahan Ruushka ayaa la macno ah in Moscow ay u jeesaneyao dhanka bari halkii ay ka raadin lahayd iskaashi, ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Sergei Lavrov. Waxa uu xusay dalal ay ka mid yihiin China, India iyo Iran.

* Ukraine ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo madaxweynihii hore ee dalkaasi Viktor Yanukovych. Kyiv ayaa ku eedeesay khiyaano qaran. Yanukovych wuxuu ku sugnaa Ruushka tan iyo 2014.

*Koox ka tirsan askarta Kolombiya ayaa aadi doona Yurub si ay u tababaraan askarta Ukraine dhanka miino-baarista. Sidaa waxaa sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Bogota.

* Xatooyada ay ciidamada Ruushka ku hayaan hadhuudhka Ukraine ayaa u muuqda inay sii kordhayaan, sidaana waxa sheegay CNN oo soo xiganaysa sawirro dayax-gacmeed laga qaaday magaalada dekedda ah ee Sevastopol ee gobolka Crimea.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here