Home Wararka Caalamka Qof ku dhintay toogasho ka dhacday Magaalada Eskilstuna

Qof ku dhintay toogasho ka dhacday Magaalada Eskilstuna

0
Foto Mikael Fritzon / TT

Nin 25 jir ah ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday magaalada Eskilstuna.

Booliska ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan afar tuhmane.

Toogashada ayaa ka dhacday meel ku dhow mid ka mid ah dugsiyada magaalada.

Booliiska ayaa gaaray Brunnsbacken ee Eskilstuna ka hor 4-tii galabnimo ee isniinta.

Muddadaas, dhowr qof ayaa u soo warramey kooxaha gurmadka, iyagoo maqlayey rasaas xooggan .

Wiilka la dhaawacay ayaa la helay isagoo dhulka yaalla meel isgoys ah oo waddo ah, waxaana lagu qaaday Ambalaasta Isbitaalka, waxaana booliisku ay xilligaas sheegeen in dhaawiciisa daranyahay.

Labo saac kadib markii uu falkaasi dhacay ayaa Booliska waxa ay sheegeen in ninkaasi uu u dhintay dhaawacii soo gaaray, waxaana la ogeysiiyay eheladiisa

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here