Home News in English Sweden oo bilaabeysa Sharci Cusub oo Socdaalka ah Bilowga Bisha Cusub

Sweden oo bilaabeysa Sharci Cusub oo Socdaalka ah Bilowga Bisha Cusub

0

Sweden waxa ay dhaqan galin doontaa, laga bilaabo bilawga bisha soo socota, xeerar cusub oo ku saabsan socdaalka shaqada, iyada oo ujeedadu tahay in laga hortago dhiig-miirashada shaqaalaha ajaanibka ah iyo fududaynta soo jiidashada khibradaha caalamiga ah.

Sharcigan cusub ayaa waxaa ku jira qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in heshiiska shaqada lagu bixiyo ogolaanshaha shaqada, taasoo la macno ah in shirkaddu ay la saxiixato shaqaalaha ka hor inta uusan Sweden imaan.

Wakaalada Socdaalka waxay kaloo waydiin kartaa loo shaqeeyaha xaalada shaqada ee shaqaalaha. Loo shaqeeyeha sidoo kale waxaa ku waajib ah inuu sheego isbeddelka ku yimid shuruudaha heshiiska shaqada.

Dhanka dadka aqoonta sare leh, waxaa la siin karaa sharci degenaansho gaar ah ilaa sagaal bilood si ay shaqo u raadsadaan ama ganacsi uga bilaabaan Iswiidhan.

Waxaan u aragnaa inay wanaagsan tahay in la helo sharci qeexaya fikradaha iyo xaaladaha beddela, si aan u soo jiidan karno xirfado, iyo si aysan shaqaaluhu u dhibin loo-shaqeeyayaasha oo aan halis ahayn,” Karl Bexelius oo ah sarkaalka sharciga ee Hay’adda Socdaalka ayaa u sheegay TT.

“Waxaa mararka qaar lagu jahawareeraa cidda xaqa u leh inay hesho sharciyo degenaansho iyo shaqo,” ayuu raaciyay.

Xeerarka cusub ayaa joojin doona masaafurinta shaqaalaha sababo la xiriira khaladaadka yar yar ee hore u dhacay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here