Home Wararka Maanta Wiil laga Afduubtay Magaalada Malmö oo Madaxfurasho laga dalbaday Qoyskiisa

Wiil laga Afduubtay Magaalada Malmö oo Madaxfurasho laga dalbaday Qoyskiisa

0
Foto: Johan Nilsson / TT

Wiil 26 jir ah ayaa la afduubay Jimcihii hore waxaana lagu xiray goob ku taala waqooyiga Skåne.

Afduubayaasha ayaa qoyska wiilkan dhalinyarada ah ka dalbaday inay bixiyaan dhowr milyan oo krone ama wax u dhigma si loo sii daayo. Sida uu sheegay Sedsvinskan.

“Waxaan xirnay qof looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dhacdada,” ayuu yiri Claes Hermansson, madaxa waaxda dambiyada culus ee booliiska Malmö .

Wargeyska Aftonbladet ayaa sheegay in wiilkan dhalinyarada ah la afduubay goor dambe oo fiidnimadii jimcaha ah ka dib markii ay sasabtay gabadh 19 jir ah oo kulan kula yeelatay meel u dhow Malmö.

Halkaa waxaa kula kulmay af-duubayaashii, oo baabuur ku watay dhibanaha, iyagoo geeyay buul ku yaalla waqooyiga Skåne. Afduubayaasha ayaa la xiriiray qoyska wiilka dhalinyarada ah iyaga oo ka dalbaday madaxfurasho.

booliska Malmo ayaa qabtay shir jaraa’id this subaxnimada. Waxa ay ku dhawaaqday in la xoreeyay wiilka dhalinyarada ah ee la afduubtay, lana xiray qof looga shakiyay in uu ka qeyb qaatay fal dambiyeedka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here