Home Wararka Caalamka Dowlada Austaria oo dadka aan la tallaalin ka xaddiday meelaha caamka ah

Dowlada Austaria oo dadka aan la tallaalin ka xaddiday meelaha caamka ah

0
Photo: Jonas Ekströmer / TT

Austaria waxaa ku sii kordhaya Corona waxana Dowlada ay bilowday Xadiidaad cusub oo Corona ah.

Laga bilaabo Isniinta maanta, dadka aan la tallaalin ayaa laga mamnuucay inay soo galaan maqaayadaha, kafateeriyadaha iyo timo-jareyaasha mana awoodi doonaan inay ka qeybgalaan munaasabadaha waaweyn ee dadweynaha.

Xayiraadaha, oo lagu dhawaaqay jimcihii, ayaa imaanaya iyadoo tirooyinka kiisaska coronavirus ay dhaafeen rikoorkii sanadkii hore.

Qiyaastii 64 boqolkiiba dadka Austria ee 8.9 milyan ah ayaa si buuxda looga tallaalay COVID-19, kaas oo la jaan qaadaya celceliska Midowga Yurub laakiin mid ka mid ah heerarka ugu hooseeya Galbeedka Yurub.

Dad badan oo Australiyaanka ah ayaa ka shakisan tallaalka, sidoo kale xisbiga midigta fog ee Freedom Party, oo ah xisbiga saddexaad ee ugu weyn baarlamaanka ayaa taageersan arintaasi.

Hay’adda caafimaadka qaranka Austria ayaa diiwaangelisay 9,899 kiis oo cusub oo coronavirus ah Jimcihii, taas oo ka badan rikoorkeedii hore ee 9,586 sanadkii hore.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here