Home Wararka Caalamka Caasimada Abu Dhabi oo soo saartay sharci ku saabsan furriinka, dhaxalka dadka...

Caasimada Abu Dhabi oo soo saartay sharci ku saabsan furriinka, dhaxalka dadka aan muslimka ahayn

0

Caasimada dalka Imaaraadka Carabta ayaa laga soo saaray sharciyo cusub oo lagu maamulayo furriinka, dhaxalka iyo xannaanada carruurta aan Muslimka ahayn ee ku nool magaalada Abu Dhabi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dalkaasi.

Warbixintan oo ay Axaddii soo saartay wakaaladda wararka ee WAM ayaa lagu sheegay in Abu Dhabi ay abuuri doonto maxkamad cusub oo maamusha kiisaskan, taasoo lagu qaban doono luuqadaha Carabiga iyo Ingiriiska si ay u fahmaan dadka tirada badan ee ka shaqeeya Imaaraatka Carabta.

Isbeddelka mas’uuliyadda ubadka ayaa u oggolaanaya waalidiinta inay wadaagaan mas’uuliyadda xannaanada carruurta, WAM ayaa werisay. Sharciga – oo ka kooban 20 qodob – ayaa sidoo kale soo bandhigaya fikradda guurka madaniga ah, wuxuu ogolaanayaa in la diyaariyo dardaaranka dhaxalka ee qofka uu doorto, wuxuuna ka hadlayaa arrimaha aabbanimada.

Waxaa lagu wadaa in ay bixiso “hab garsoor oo dabacsan oo horumarsan si loo go’aamiyo khilaafaadka xaaladda shakhsi ahaaneed ee dadka aan Muslimiinta ahayn”, Waaxda Garsoorka Abu Dhabi ayaa tiri, sida uu sheegay wargeyska Qaranka.

Sharciga cusub ayaa yimid ka dib markii mas’uuliyiintu ay sannadkii hore sheegeen in ay dib u habeyn ku sameyn doonaan shuruucda shakhsi ahaaneed ee Islaamka, taas oo u oggolaanaysa lammaanaha aan guursan inay wada noolaadaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here