Home News in English Ismail Yuusuf ” Waxaan ku jiray Dadka Finland ku soo sirmay Walina...

Ismail Yuusuf ” Waxaan ku jiray Dadka Finland ku soo sirmay Walina ku Sugan ”

0

ka hor Sanadkii 2015 Dalka Finland Waxa uu kamid ahaa wadamada sida fudud sharciga ku siiya Qaxooti ay kamid  yihiin Somalida Waxaana jira Xog ay Somalida isgaarsiiyeen oo Sabab u noqotay in Somali badan iska dhiibeen Dalka.

Ismail Yuusuf Faarax Waxaa uu kamid ahaa Dadkii Gaaray 2015 lakin Waxaa ku soo baxay go’ano cusub oo dowlada soo saartay madama Qaxooti badan ay kasoo jabeen Dalka Turkiga iyo Giriiga kuwaasi oo gaaray Finland.

Xiligaasi waxaa buux dhaafay Xaruumihii Qaxootiga Waxayna dowlada soo saartay go’ano cusub oo dadka saameyn ku yeeshay waqtigaasi dadka ayaa u kala baxay Saddex Qeyb.

Qeybta  1aad.

Dadkii durba iskaga cararay wadanka ee iska dhiibay wadamada sida Faransiiska iyo taliyaaniga kuwaasi oo maanta heesta Sharciyo iyo Nolol cusubna sameestay.

Qeybta 2aad

Qaxootigii waqti danbe baraarugay markii la siiyay diidmada ee qaarkood loo sheegay in dib loogu celinayo wadankooda kuwaasi oo markaasi kasoo cararay waxayna qaarkood Dalalka kale ka haleen sharciga halka kuwa kale dib loogu celiyay finland madama ay dalbatay.

Qeybta 3aad

Qaxootiga aanan dalka ka bixin kuwaasi oo Qaarkood la siiyo lacagta ceerta iyagoo mararka qaarkood shaqooyin ka shaqeeya Ismail Yuusuf Faarax waxaa ku jiraa dadkaasi waxa uu sheegay in uu lacag nolol maalmeyd ah ay dowlada siiso goob kaam ah uu ku suganyahay isla markana iska sugayaan hadii wadanka rajo kasoo baxdo ama dowlad cusub dhalato waxa uu sheegay in uu gaaray taliyaaniga lakin ay finland soo dalbatay.

Su’al Finland ma iska dhiibtay Qeybtee ayaa tahay

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here