Home Wararka Maanta Magdalena Andersson oo la ilmeysay Khudbadii uu Jeediyay Stefan ee Sagootintiisa

Magdalena Andersson oo la ilmeysay Khudbadii uu Jeediyay Stefan ee Sagootintiisa

0
Photo/Adam Ihse / TT

Khudbadii Stefan Lofven ee sagootintiisa ee uu u jeediyay xisbiga Social Democratic Party ayaa ahayd mid ay ku dheehantahay shucuur. Waxay ka koobnayd hadallo badan oo mahadnaq ah, iyo Dhaleeceynta xisbiyada la Shaqeenayay ee Dhaliilsanaa Xukuumadiisa

Hogaamiyaha cusub ee xisbiga, Magdalena Andersson iyo xaaska Lofven, Olw, ayaa labaduba ilmada iska masaxay markii uu khudbadiisii sagootinta ugu mahad celiyay .

Stefan waxa uu khudbadiisa kaga faa’idaystay fursad uu wax ku tusayo shaki ay qabeen xisbiyada bourgeois-ka, kuwaas oo u muuqda kuwo aan ku faraxsanayn Shaqadiisa.

Waxa uu yidhi, “Shaqaale ahaana waa in aanay macnaheedu ahayn in aad ku nooshahay faqri, daal ama aad ka baqayso in shaqada aad ku dhimato. Waa inaad awood u yeelatid inaad si fiican u noolaato oo aad dareento ammaan.”

Raisal Wasaaraha ayaa dhanka kale ka hadlay xaaladaha uu soo maray mudada uu xilka hayay gaar ahaan Xisbigiisa isagoo wanaag u rajeyay dadkii ay isla soo shaqeeyeen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here