Home Wararka Caalamka Wiil Dhaliyaro ah oo lagu dilay Magaalada Eskilstuna ee Dalka Sweden

Wiil Dhaliyaro ah oo lagu dilay Magaalada Eskilstuna ee Dalka Sweden

0
Foto Mikael Fritzon / TT

Bilayska ayaan wali wax tuhmane ah u hayn toogashadii shalay galab ka dhacday magaalada Eskilstuna halkaas oo wiil dhalinyaro ah oo 18 jir ah toogasho lagu dilay.

Toogashada ayaa ka dhacday Dugsigiisa Sare ee magaalada, waxaana dhacdadan goob joog ka ahaa arday badan.

– Xogta aan hayno ayaa sheegeysa in ay jiraan labo qof oo goobta uga baxay mooto koronto, kuwaas oo ku labisan dhar madow, ayay tiri Camilla Helgesson, oo ah ku simaha madaxa baaritaannada ee booliska Sörmland mar ay shir jaraa’id qabatay.

Booliska ayaa rumeysan in tuhmanayaasha ay weli ku sugan yihiin Eskilstuna. Waxay rabaan indho-indhayn, sawirro iyo muuqaallo laga yaabo in laga qaaday toogashada.

– Haddii aad aragtay ama aad sawirtay laftaadu markii dembigu dhacay, u dir polisen.se ama la xidhiidh booliiska 114 14, ayay tidhi Camilla Helgesson.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here