Home Wararka Caalamka Militariga Israa’iil oo weeraray dhowr goobood oo ku yaalla Dalka Lubnaan.

Militariga Israa’iil oo weeraray dhowr goobood oo ku yaalla Dalka Lubnaan.

0
Foto: Ariel Schalit / AP / NTB Foto: NTB

militariga Israa’iil ayaa weeraray dhowr goobood oo ku yaalla Lubnaan.

Sida laga soo xigtay militariga, duqeymaha dhanka cirka ah ayaa jawaab u ahaa gantaalada faraha badan ee ka soo dhacay dhulka Lubnaan, ee ka imaanayay kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ama kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad.

In ka badan 30 gantaal ayaa la sheegay in lagu soo riday Israa’iil.

Milatariga Israel ayaa sidoo kale duqeymo ka geystay Gaza.

Labo dumar ah oo Israa’iili ah ayaa sidoo kale lagu toogtay weerar ka dhacay Xamra, oo ku taal waqooyiga daanta galbeed, sida uu qoray wargeyska Times of Israel.

Xaalada ayaa lagu tilmaamay tii ugu cusleyd ee ka dhacda xuduuda tan iyo sanadkii 2006. Hadda ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa ku baaqaya in la dejiyo si looga fogaado in dagaalku uu sii xumaado.

Sida laga soo xigtay Unifil, Lubnaan iyo Israa’iil labaduba waxay sheegeen inaysan doonayn dagaal.

Rabshadaha isdaba jooga ah ayaa billowday Arbacadii kadib markii booliska Israa’iil ay gudaha u galeen masjidka Al Aqsa ee magaalada Qudus intii lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramadaan, waxayna xireen 350 qof.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here