Home Wararka Caalamka Sweden oo Ku Dhawaaqday Go’an Saameyn ku Yeelanaya Dadka Somalida iyo Ajaanibta...

Sweden oo Ku Dhawaaqday Go’an Saameyn ku Yeelanaya Dadka Somalida iyo Ajaanibta kale

0
Photo: Anders Wiklund / TT

Dowladda Sweden ayaa sheegtay inay sharciyada kala noqonayso qofkii ku laabtay dalkii uu ka soo cararay markii hore, sida Soomaaliya oo kale .

Dowladda Sweden ayaa Xoojinaysa siyaasadda ay kula dagaalmayso wax isdaba marinta sharciga degenaanshaha ee loo yaqaan uppehÄllstillstÄnd.

Macluumaad aan sax ahayn qofkii bixiya waxay u horseedaysaa in dhakhso sharciga loogala noqdo, gaar ahaan haddii uu qofku fasax ku tago dalka uu ka soo jeedo, isagoo horay u sheegay inuu uga soo cararay halis halkaas ka jirta .

Sida ay sheegtay Wasiirka Socdaalka, Maria Malmer Stenergard waxay arrintan u xilsaartay Laanta Socdaalka inay baaritaan qoto dheer ku samayso arrintan, Waxaana la baarayaa hadii uu qofku Baasaboor kale ku Galay Dalkii uu horay uga yimid, Waxayna ujeedadu tahay in lagala noqdo sharciga deganaanshaha qofkii lagu helo inuu bixiyey xogo aan run ahayn.

Hada wixii ka dambeeya, Shraciga Dalka ma sii haysan doono qof beenlow ah, Shaqadu way ka ballaaran tahay safarro lagu tago dal, waxay ku saabsan tahay soo saarista dhammaan noocyada khiyaamada. Waxay u muuqataa inuu jiro qish aad u baahsan oo uu ku jiro dad arday sheegtay, balse aan halkan u imanin inay wax bartaan balse waxyaabo kale samaynaya.”ayey tiri Wasiirka Socdaalka Sweden oo arintan ka hadlaysay

Arrinta ugu yaabka badan ayay ku sheegtay in dadka Swedishka ah aysan u baahnayn inay mudnaanta siiyaan inay tas-hiilaad ku bixiyaan ilaalinta dad haba yaraatee aan u baahnayn in la magangeliyo, sida ay sheegtay.

Waxay sheegtay inay jiraan dad dib ugu noqda dalkooda hooyo xilliga fasaxa wax yar uun kaddib markii la siiyey magangelyo sababtoo ah waxay sheegteen inay la kulmaan khataro uga imanaya dalkooda.

Qorshahan ayaa diyaar noqon doona bisha May ilaa June ee soo socota iyadoo la eegayo heerka ay khiyaanadani gaarsiisan tahay, taasoo keenaysa in sharciga lagala laabto.

Sharcigan ayaa saameyn adag ku yeelan kumanaan Soomaali ah oo heysta degenaanshaha dalkaas, kuwaasoo mar walba booqashooyin ku yimaada dalkooda oo markii hore ay sheegteen iney uga carareen dhibaatooyin ka jiray.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here