Home Wararka Caalamka Wiil Dhalinyaro ah oo Toorey lagu dilay Gudaha Magaalada Malmö

Wiil Dhalinyaro ah oo Toorey lagu dilay Gudaha Magaalada Malmö

0
Foto Mikael Fritzon / TT

Wiil 20 jir ah ayaa lagu dilay mid kalena dhaawac culus ayaa soo gaaray, ka dib markii ay tooreey kasoo gaartay dagaal gacan ka hadal ah oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Malmö. Sida ay booliisku ku shaaciyeen shabakadooda.

“Waxaan la hadalnay dadka qaar laakiin waxaan wali u baahanahay macluumaad dheeri ah,” ayuu  yiri afhayeenka booliiska Nils Norling.

“Dhacdadu waxay ka dhacday Möllevången, Waanu la hadalnay dadka qaar laakiin waxaan wali si quus ah ugu baahanahay xog dheeri ah.

Booliska ayaa boggooda ku qoray in aysan jirin cid loo soo qabtay falkan. Si kastaba ha ahaatee, wargayska Sedvenskan ayaa sheegay in booliisku ay raadinayaan 22 jir dambiile ah.

Dhacdo kale, wiil 25 jir ah ayaa lagu toogtay magaalada Rörsjöparken ee Malmö shalay fiidkii.

Booliisku waxay raadinayaan xog

Wiilkaan dhalinyarada ah ayaa xalay saq dhexe loo qaaday isbitaalka si wax looga qabto dhaawaca soo gaaray. Booliska ayaa sheegay in dhaawaciisa uu yahay mid halis ah balse uusan ahayn mid naftiisa halis gelinaya.

Dhacdada sadexaad ayaa ah in qof lagu toogtay xili ay xaflad arday ka socotay magaalada Landskrona shalay maqribkii balse wax dhaawac ah ma soo gaarin. Booliska ayaa gacanta ku dhigay nin dhalinyaro ah oo looga shakiyay hanjabaado sharci darro ah iyo dambiyo la xiriira hub.

Booliska ayaa sheegay in qofka toogashada geystay uu ahaa qof wajiyada soo duubtay oo saarnaa mooto.

Sida uu sheegay Helsingborg Dagblad, toogashadu waxay ka dhacday goob ay ardaydu ku sugnaayeen, waxaana laga yaabaa inay la xiriirto dagaal subaxnimadii hore ee dugsiga ka dhacay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here