Home News in English Shiinaha oo ku Celiyay inuu Taageerayo Ruushka

Shiinaha oo ku Celiyay inuu Taageerayo Ruushka

0

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa Arbacadii u xaqiijiyay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin taageerada Beijing ee “madaxbanaanida” iyo “amniga” ee Ruushka , mar uu taleefoon kula hadlay, telefishinka dowladda Shiinaha ee CCTV ayaa sheegay sidaasi.

“Shiinuhu wuxuu diyaar u yahay inuu sii wado taageerada uu Ruushka ka siiyo arrimaha danaha asaasiga ah iyo walaacyada waaweyn, sida madax-bannaanida iyo ammaanka,” ayuu Xi u sheegay Putin .

Tani waxay timid iyadoo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Arbacadii ku dhawaaqay xirmo cusub oo gargaar militari oo loogu talagalay Kiev.

 War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku faahfaahiyay in gargaarka ay ka mid noqon doonaan madaafiicda, gantaalada dheeraadka ah iyo gantaalada lidka maraakiibta oo qiimahoodu dhan yahay hal bilyan oo dollar, isagoo ku celceliyay taageerada Maraykanka ee Ukraine mar uu khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky.

Arrintan ayaa timid kadib markii xoghayaha difaaca Mareykanka uu xaqiijiyay in Kyiv ay adeegsatay xirmadii militari ee ugu dambeeyay dagaaladii ka dhacay bariga dalkaasi ee dhawaanahan socda

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here