Home Wararka Caalamka Stockholm: Wiil Yar oo Goobta Xanaanada laga waayay kadibna la helay Meydkiisa

Stockholm: Wiil Yar oo Goobta Xanaanada laga waayay kadibna la helay Meydkiisa

0
Foto Janerik Henriksson / TT

Wararka laga helayo Södertälje ayaa sheegaya in halkaasi uu ku dhintay wiil yar kaasi oo ku sugnaa goobta xanaanada halkaasi oo laga waayay kadibna la helay isagoo ku jira goob barkad ah.

Hay’adda gacanta ku haysa canugan oo shalay dhintay ka dib markii la waayay, ayaa sheegtay inay samayn doonto baadhitaankeeda.

Iyadoo dadka magaalada deggan ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin dhibaatada qoyska wiilka afarta sano jir ah, ayaa waxaa si ku meel gaar ah loo hakiyay dhaqdhaqaaqii iyo ganacsigii ka socday suuqa Södertälje.

Shalay ayay booliisku sheegeen in uu dhintay canugan, saacado yar kadib markii la helay, kadib markii shalay galab laga waayay xarunta xanaanada.

Ilmaha yar ayaa laga dhex helay barkad lagu dabaasho oo ay leedahay mid ka mid ah guryaha Filooyinka ah, waxaana isla markiiba loo qaaday cusbitaalka si loogu daweeyo, balse markii dambe wuu dhintay.

“Waxay u egtahay riyo kale, fikradaheenna iyo dareenkayagu waxay inta badan la socdaan waalidiinta iyo qaraabada ilmaha,” ayay tiri agaasimaha xanaanada Therese Wallen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here