Home Wararka Maanta Wiil Dhalinyaro ah oo lagu toogtay Xaafada Kista ee Caasimada Stockholm

Wiil Dhalinyaro ah oo lagu toogtay Xaafada Kista ee Caasimada Stockholm

0
Foto Mikael Fritzon / TT

xalay abaaro  02.43 am Waqtiga Sweden ayaa wiil dhalinyaro ah lagu toogtay Xaafada Kista ee Waqooyiga Stockholm.

Toogashada ayaa ka dhacday nawaaxi la daganyahan madama mararka qaar ay dhanka banaanka Xaafada ay ka ka dhacaan toogashooyinka.

Wiilka dhalinyarada ee la toogtay ayaa da’diisa lagu qayaasay 20 sano jir kaasi oo dhoor xabad lagu dhuftay

Booliska Stockholm ayaa gaaray goobta toogashada kadib mana jirto qof loo qabtay falkaasi marka laga reebo baaritaan socda oo ay boolisku wadaan.

toogashada ayaa dhaceysa xili dhawaan Stockholm lagu maxkamadeeyay qaar kamid ah xubno ka tirsan kooxaha iskaga soo horjeeda Stockholm ee lagu heesto falal toogasho iyo arimo kale.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here