Home Wararka Caalamka Weerar ka dhacay Magaalada Paris ee France oo Boolis lagu dhaawacay

Weerar ka dhacay Magaalada Paris ee France oo Boolis lagu dhaawacay

0

Magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska waxaa ka dhacay weerar loo adeegsaday toorey oo lagu dilay haweeney katirsaneyd ciidanka booliiska Faransiiska, waxaana weerarkan lagu sheegay mid argagaxiso.

Nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Tunuusiya darawalna ka ahaa gaari alaabta qaada ayaa toorey ku dilay Stephanie M oo aheyn 49-sano jir katirsaneyd booliiska, waxaana ninkan la sheegay xiliga uu dilka geesanayay ku qeylinayay kalmada Allahu Akbar.

Ciidamada booliiska ayaa toogtay ninka lagu tuhmayo in uu fuliyay weerarkan dilka ah, waxa ayna booliiska sheegeen in uu bilowday baaritaano lagu ogaanayo weerarkan oo loo maleenayo mid argagxaiso sida ay tilmaameen.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa si kulul u cambaareeyay dilka loo geestay haweeneyda katirsaneyd booliiska, waxa uuna ku hanjabay in ay sii xoojin doonaan la dagaalanka waxa uu ugu yeeray argagaxisada.

Dalka Faransiiska ayaa waxaa ka dhacay weeraro badan ay fuliyeen kooxo islaamiyiin ah, weeradan ayaana lagu dilay askar iyo muwaadiniin kale oo u dhalatay Faransiiska, waxaana inta badan weeraradaasi sheegatay kooxda Daacish.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here