Home Wararka Caalamka Milatariga Ruushka oo ka baxay xadka Ukraine

Milatariga Ruushka oo ka baxay xadka Ukraine

0
Photo/TT

Cutubyada militariga Ruushka ee isbuucyadii la soo dhaafay ku sugnaa xuduudaha Ukraine ee bariga iyo koonfurta ayaa maanta bilaabay inay dib uga baxaan.

Warka waxaa soo dhoweeyay hoggaanka Ukraine, laakiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Dmytro Kuleba ayaa maanta sheegay in Ruushka uu sharaxo asalka iyo sababta joogitaanka millatariga.

Wasiirka gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegay in waxaas oo dhami ay ahaayeen layli iyo jawaab ku aadan kordhinta ciidanka  ee qaybta ka ah NATO ee ku dhow xadka Ruushka.

Ruushka ayaa bilihii ugu danbeeyay xiisad ku abuuray wadamada yurub kuwaasi oo ku aadan xadka Ukraine.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here