Home Wararka Maanta Waa Naafo ku Fadhiya Kursiga Cuuryaanka oo dib loogu Celinayo Dalkiisa

Waa Naafo ku Fadhiya Kursiga Cuuryaanka oo dib loogu Celinayo Dalkiisa

0
Photo/ Privat

Erlin Armando Mejía Andino oo ka yimid Dalka Honduras. Isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban labo ilmo adeero iyo Sadex gabdhood oo walaalo ah iyo waalidkiisa
ayaa hada go’an laga gaaray si dib loogu celiyo Dalkiisa.

Sababta uu sheegtay ayaa ah in uu Xaquuqda Dadka u doodi jiray iyo waliba midka Dadka Naafada lakin maamulka uusan Jecleyn walibana la xiray mar.

Waxay u yimid Sweden. Sanadkii 2017 isagoo Codsaday ogolaansho joogitaan.
Laakiin waa loo diiday Codsigiisa.

Maalinta Isniinta, ee bisha ku beegan tahay Abriil 26, ayaa dib loogu celindoonaa Honduras.

Jimcihii Shalay, isaga iyo qaar ka mid ah asxaabta waxay ku mudaharaadeen
banaanka baarlamaanka Sweden
ee Stockholm.

Waa 25 jir.
Wuxuu ku fadhiyaa kursiga curyaamiinta
sababta oo ah wuxuu qabaa cudur
loo yaqaan osteoporosis ee Afka Swedish-ka lagu dhaho (benskörhet)

Sida uu u sheegay boga 8 sidor waxay gudbiyeen Cabasho ku aadan go’anka dib u celinta inkastoo uusan Helin wax Jawaab ah.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here