Home Wararka Caalamka Weerar ka dhacay Caasimada Denmark oo Dhoor Qof lagu dilay

Weerar ka dhacay Caasimada Denmark oo Dhoor Qof lagu dilay

0
Foto: Olafur Steinar Gestsson/Ritzau/TT

3 qof ayaa lagu dilay weerar saaka lagu qaaday suuqa ganacsiga ee magaalada Copenhagen , sida uu sheegay booliska Denmark , Waxaa ka danbeeyay nin 47 jir ah oo haysta dhalashada Ruushka, iyo wiil iyo naag 17 jir ah. Afar kale ayaa si xun loo dhaawacay, oo ay ku jiraan labo Swedish ah, nin 50 jir ah iyo gabar 16 jir ah.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay ninka looga shakisan yahay inuu dambiile yahay, kaasoo ah 22 jir dhalinyaro Danish ah.

Marka laga soo tago dhaawaca Swedishka waxaa si xun u dhaawacmay haweeney 40 jir ah iyo haweeney 19 jir ah.

Ninka weerarka geystay ayaa maalmo ka hor toogashada ku faafiyay baraha bulshada muuqaalada hubka, sida ay sheegtay warbaahinta Denmark. Markii la qabtay weerarka ka dib, wuxuu ku hubeysnaa qori iyo rasaas.

Booliska ayaan meesha ka saarin suurtagalnimada ku lug lahaanshaha dambiilayaasha kale, balse hadda ma muuqato wax muujinaya. Sida laga soo xigtay Aftonbladet.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here