Home News in English Ra’iisul Wasaaraha Denmark oo ka hadashey Weerarka ka dhacay Dalkeeda

Ra’iisul Wasaaraha Denmark oo ka hadashey Weerarka ka dhacay Dalkeeda

0
Foto: Martin Sylvest/AP

Ra’iisul wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay in Denmark ay dhibane u tahay weerar arxan darro ah oo ka dhacay dalkeeda iyadoo ka hadlaysa weerarkii dhiigga badani ku daatay ee lagu qaaday goob ganacsi oo ku taal magaalada caasimadda ah ee Copenhagen, kaasoo ay ku dhinteen saddex qof, afar kalena ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan laba Swedish ah. .

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku dhintay eheladooda, iyo kuwa dhaawacmay iyo qaraabada,” ayay Federiksen ku tiri hadal ay soo saartay.

Weerarkan ayaa argagax ka dhaliyay dalka Denmark, iyadoo dad badan oo baraha bulshada isticmaala ay weydiiyeen, ” Danmark ma la mid tahay Mareykanka?”

Ra’iisul wasaaraha Sweden, Magdalena Andersson, ayaa shalay sheegtay inay la xiriirtay dhiggeeda Denmark, iyadoo xaqiijisay in Sweden ay diyaar u tahay inay bixiso gargaar kasta, iyadoo ku tilmaantay waxa dhacay mid argagax leh.

Ra’iisul wasaaraha Norway Jonas Gahr Stoere ayaa tiri: “Waa war naxdin leh oo ka yimid Copenhagen. Fikradayda waxay la jirtaa dhibanayaasha, qoysaskooda, iyo shaqaalaha samatabbixinta kuwaas oo hadda ka shaqeynaya badbaadinta nolosha iyo sugidda dadka deggan.”

Bilayska Denmark ayaa saaka shaaciyay   in 3 qof lagu dilay weerarkii shalay fiidkii lagu qaaday Suuqa Ganacsiga ee Kobanheegan, nin 47 jir ah oo haysta dhalashada Ruushka, iyo wiil iyo naag 17 jir ah. Afar kale ayaa si xun loo dhaawacay, oo ay ku jiraan labo Swedish ah, nin 50 jir ah iyo gabar 16 jir ah.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay ninka looga shakisan yahay inuu dambiile yahay, kaasoo ah 22 jir dhalinyaro Danish ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here