Home News in English Magdalena Andersson:” Waa inuu Dalka ka tagaa Qofka Aan heysan Sabab Magangalyo...

Magdalena Andersson:” Waa inuu Dalka ka tagaa Qofka Aan heysan Sabab Magangalyo ”

0
Foto: Fredrik Sandberg/TT

Ra’iisal wasaare Magdalena Andersson ayaa xaqiijisay in dowladdu ay dooneyso in ay masaafuriso dhammaan dadka aan xaqa u lahayn in ay Sweden sii joogaan. “Kaliya kuwa xaqa u leh inay Sweden joogaan waa inay joogaan,” ayay ku tidhi qoraal ay soo dhigtay Facebook shalay.

“Dadka aan lahayn sababo magangelyo waa inaysan ka mid noqon bulshada,” ayay raacisay.

Andersson ayaa sheegtay in qof kasta oo codsigiisa magangalyo la diido uu dib ugu laabto dalkiisa, iyadoo xustay in dowladdu ay u xilsaartay Laanta Socdaalka inay dhisto xarumo gaar ah oo dadka aan haysan sababo magangalyo ay ku noolaadaan ujeeddaduna tahay in dib loogu celiyo dalkooda.

“Xarumahani, tusaale ahaan, waxay u dhawaan karaan garoonka diyaaradaha,” ayay tidhi. Waxa kale oo aanu diyaarinayna baadhitaan dawladeed oo ujeedadu tahay in meesha laga saaro caqabadaha iyo in aanu soo jeedino talooyin ku saabsan sidii loo celin lahaa dad badan oo codsiyadooda magangalyo la diiday.

Shalay, dawladdu waxay ku dhawaaqday shaqada Hay’adda Socdaalka si ay u abuurto waxa loogu yeero “xarumaha saarida” magangalyo-doonayaasha codsiyadooda magangalyo la diiday. Dawladdu waxay soo jeedisay in xarumahan laga dhigo meel u dhow garoomada diyaaradaha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here