Home Wararka Maanta Waxaa loo sheegay in aysan u qalmin Shaqada madama ay tahay Somali

Waxaa loo sheegay in aysan u qalmin Shaqada madama ay tahay Somali

0
FOTO: ROLF PETTER OLAISEN / NRK

Iido Aadan waa gabar somali ah oo ku nool Dalka Norway isla markana dhawaan wareysi ay u martay Shirkada dhanka Farmashiiyada ka shaqeysa ee Vitusapotek kala kulantay faquuq la xiriir dhanka jinsiyada ay tahay.

Wareysi ay siisay Talafashinka NRK ee Dowlada Norway ayay kaga hadashey dhacdadii qabsatay markii Qofka wareysiga la yeelanayay uu u sheegay in ay tahay Qof Somali ah iyo erayo kale oo Xanaf leh.

dhacdadaasi ayaa aad looga hadal hayay baraha bulshada waxaana durba raali galin bixisay shirkada Vitusapotek gaar ahaan madaxa shirkada Mariam oo u warameysay NRK.

Mariam waxay sheegay in Shirkad ahaan bixinayaan raali galin madama falkaasi uu ahaa mid aanan la qaadan karin.

Dhanka kale wasiiro ka tirsan Dowlada Norway ayaa ka hadlay dhacdaasi kuwaasi oo dhinac istaagay Iido kana raaligaliyay falkaasi ay la kulantay Qoraal ay soo dhigiin bartooda Twitterka.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here