Home Wararka Caalamka Joe Biden oo lix cod uga hartay in uu ku guuleesto Doorashada...

Joe Biden oo lix cod uga hartay in uu ku guuleesto Doorashada Mareyanka ( Wararkii ugu danbeeyey )

0

Goobihii codbixinta ayaa xirmay guud ahaan dalka Mareykanka, laakiin tirinta codadka ayaa qaadan karta waqti taasi oo ugu wacan tahay tirada aan horay loo arag ee dadka codkooda dhiibtay goor hore.

Donald Trump wuxuu ku guuleystay Florida, Texas, Ohio, Kentucky, Kansas, Louisiana, Indiana, Wyoming, West Virginia, South Carolina, Idaho, Alabama, Mississippi, Tennessee, Oklahoma, Arkansas, Utah, South Dakota, North Dakota, Missouri, Nebraska, Iowa iyo Montana.

Joe Biden ayaa isna ku guuleestay Michigan, Wisconsin, Maine, Arizona, Hawaii, Minnesota, Colorado, New Mexico, California, New Hampshire, Oregon, Vermont, Virginia, Washington, Rhode Island, New York, New Jersey, Massachusetts, Maryland, Illinois, Delaware iyo Connecticut, iyo sidoo kale Degmada Columbia.

Shan gobol ayaa wali u baahan in la tiriyo, iyadoo malaayiin cod aan la tirin wali.

lix cod ayaa ugu hartay Joe Biden si uu u helo 270 taasi oo ka dhigaysa in uu noqdo madaxweynaha Cusub ee Mareykanka

Dadweynaha Mareykanka ayaa aad u doonaya in Biden ku guuleesto doorashada Dalka si isbadal loogu sameeyo xaalada Wadanka oo kala qeybsanaan ka muuqato.

somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here