Home Wararka Denmark Wasiirkii hore ee cadaaladda Denmark Ole Espersen oo geeriyooday

Wasiirkii hore ee cadaaladda Denmark Ole Espersen oo geeriyooday

0
Sawirka: Lars Helsinghof Bæk © Scanpix

Wasiirkii hore ee cadaalada Denmark Ole Espersen ayaa geeriyooday isagoo jira 85 sano jir, Bornholms Tidende ayaa ka warbixiyay .

Wuxuu galay baarlamanka xisbiga Sooshal dimuqraadiga 1973, 1981 waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibada ee dowladii Anker Jørgensen.

Adeegga Sirdoonka ee Booliska ayaa kula taliyay in aan loo magacaabin Ole Espersen Wasiirka Caddaaladda maxaa yeelay wuxuu la kulmay diblomaasiyiintii Soofiyeeti .

Ole Espersen wuxuu fadhiyay baarlamanka ilaa 1994 wuxuuna mudo ahaa afhayeenka siyaasada ee xisbiga Sooshal dimuqraadiga. Wuxuu sidoo kale ahaa gudoomiyaha Golaha Raadiyaha iyo garsoore ka tirsan maxkamada shaqaalaha.

Wuxuu si gaar ah u daneynayay arrimaha xuquuqda aadanaha iyo siyaasadda magangalyada.

Somaliska Denmark

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here