Home News in English Isku keenista Qoysaska kala maqan oo Dowlada Sweden ku sameesay isbadal dheeri...

Isku keenista Qoysaska kala maqan oo Dowlada Sweden ku sameesay isbadal dheeri ah

0

Dowlada Sweden ayaa wada qorshe lagu fududeenayo in leesku keeno qoysaska kala maqan isla markana loo fududeeyo sharuudaha hada ku xeeran marka uu qofka dalbanayo in loo keeno qof nolo wadaag yihiin oo ku sugan wadan kale.

tan iyo sanadkii 2015 oo sharciyo Cusub dowlada soo kordhisay waxaa la adkeeyay in Qoysas badan si fudud leeskugu keeno sababo la xiriira dadka qaar oo heesta sharciyo ku meel gaar ah iyo in ay buuxiyaan sharuudo adag sida isku filnaansho guri iyo mid dhaqaale.

Wasiirka Socdaalka iyo Cadaalada Dowlada Sweden Morgan Johansson oo la hadlay Talafashinka Dowlada SVT ayaa sheegay in Dowlada ay xooga saareyso sidii loo mideyn lahaa qoysaska kala maqan ee xaqa u leh in ay isku meel ku nooladaan iyadoo lagu soo daray qeyb kale oo ah dadka wadaaga jinsiga oo horay ugu jirin lakin hada lagu soo daray sidii loo fududeen lahaa in leesku keeno.

soo jeedinta cusub ee Sharciga waxaa ugu muhiimsan sharciga kumeel gaar ah oo dowlada xoog badan saareyso sidii meesha looga saari lahaa ama isbadal cusub loogu sameyn lahaa kaasi oo dadka siinaya fursado muhiim ah.

Sharciga Cusub ama soo jeedinta cusub ee Dowlada waxaa kamid ah caruurta in ay helaan sharci deganaansho oo rasmi ah iyadoo sharuudo lagu xirin sida hadii dagaalka wadankiisa uu dhamaado tusaale marka uu ka dhaco sharciga.

Soo jeedinta cusub ee Dowlada Sweden ayaa diirada lagu saarayaa arimo badan oo dhanka Qaxootiga imaanaya wadanka iyo kuwa jooga qaasatan mustaqbalka dhow si loo helo siyaasad dhanka qaxootiga oo dowlada isticmaasho.

Wixii sharciyada ku soo kordha lasoco

Somaliska SVT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here