Home Wararka Denmark Denmark oo ka hadashey hadii ay soo kordhineyso Xayiraado Cusub oo dheeri...

Denmark oo ka hadashey hadii ay soo kordhineyso Xayiraado Cusub oo dheeri ah

0
Photo/ Johan Nilsson/TT
Guddiga Qaranka ee Caafimaadka ayaa sheegay in Wax qorshe ah uusan ugu jirin xayiraad dheeraad ah gaar ahaan Caasimada.

Inkasta caasimadda Danmark ay u gudubtay heerka 3 illaa 4 nidaamka digniinta ee maamulka, haddana ma jiro wax qorshe ah oo xaddidaad dheeri ah looga samaynayo aaggaas.

Hayada agaasinka caafimaadka ayaa ku wargelinaysa Ritzau.

Heerarku waa qayb ka mid ah nidaamka digniinta qaran ee ay soo bandhigtay dawladdu Oktoobar. Waxay muujineysaa heerka halista ay hadda tahay iyo tallaabooyinka laga yaabo in loo baahdo haddii infekshanku sii kordho.

Talaadadii, tallaabooyin dhowr ah ayaa lagu dhawaaqay si looga hortago infekshinka ka jira caasimadda, kuwaas oo xilligan ay haleeleen infekshinka baahsan ee corona.

Denmark ayaa kamid ah Wadamada Yurub ee Corona sameynta ku yeeshay waxana dowlada soo kordhisay in la laayo Xayawaanka Minkiga oo laga helay nuuc kamid ah Corona inkastoo markii danbe Dowlada ka laabatay.

Somaliska Copenhagen

Xigasho/DK

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here