Home Wararka Caalamka Midowga Yurub iyo UK oo joojiyay wadaxaajoodka Heshiiska Brexit

Midowga Yurub iyo UK oo joojiyay wadaxaajoodka Heshiiska Brexit

0

Midowga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa hakiyay wadaxaajoodkii ku saabsanaa heshiiska ganacsiga xorta ah iyo iskaashiga cusub, kaas oo aasaas u noqon doona xiriirka cusub wixii ka dambeeya Brexit, kaasoo dhaqan gelaya sannadka cusub ka dib.

Sida lagu sheegay bayaan wadajir ah, is afgaranwaaga marka laga hadlayo, iyo waxyaabo kale, kalluumeysiga iyo heshiisyo badan oo dalalka u dhaxeeya ayaa weli ah mid aad u weyn oo aysan ku heshiin karin xilligan.

Michel Barnier, oo matalaya magaca Danmark iyo dalalka kale ee EU , wuxuu warbixin ka siinayaa madaxweynaha Komishanka Ursula von der Leyen xaaladda arrimaha, halka madaxa wada-xaajoodka Ingiriiska, David Frost, uu isna si la mid ah warbixin ugu siin doono Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska , Boris Johnson.

Wasiirka arrimaha dibadda Jeppe Kofod (S) ayaa si dhow ula socda wadaxaajoodka. Si kastaba ha noqotee, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in haddii heshiis jiro iyo haddii kale, “aysan saameyn ku yeelandoonin habki wanaagsanaa ee waqtigii hore

wasiirka ayaa sheegay in hadii uu dhaco heshiiska uu jiri karo Khasaaro xoogan loona baahanyahay in lala qabsado.

Dowlada ingariiska ayaa dhibaato xoogan waxaa ka heesta sidii ugu bixi laheyd midowga yurub lakin dhibta ugu weyn ayaa ah dhanka ganacsiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here