Home Wararka Caalamka Muddaharaadyadii ka socday Faransiiska ee ka dhashay Sharciyada Cusub oo isku badalay...

Muddaharaadyadii ka socday Faransiiska ee ka dhashay Sharciyada Cusub oo isku badalay Rabshado

0

Fiidiyowyo laga soo qaaday banaanbaxyo ka dhacay magaalada Paris ayaa muujinaya tiro badan oo mudaharaadayaal afka soo duubtay oo weeraraya booliska rabshadaha ka hortaga Sabtidii, iyagoo fulinaya kharbudaad isla markana dab qabadsiinaya gawaarida, mootooyinka.

Sida laga soo xigtay booliska Faransiiska, waxaa jira 500 oo qof oo ka danbeeya adeegsiga rabshadaha, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Kumanaan mudaaharaadayaal ah ayaa ka mudaaharaadaya rabshadaha booliska iyo sharci cusub oo amniga oo dhameystiran. Sharcigan cusub ayaa ka mid noqon doona, in uu mas’uuliyiinta siinayo awood balaaran oo ay ku kormeeri karaan dadka, sidoo kale sharci daro ayuu ka dhigayaa in la wadaago sawirada saraakiisha booliska ee adeega.

Mudaaharaadku wuxuu ka billowday bariga magaalada Paris, ka hor intaanay u ololeeyayaasha iyo ururada shaqaalaha midkood u dhaqaaqin dhanka xarunta. Intii jidka lagu sii jiray, daaqadaha dukaanada ayaa la burburay baabuurna waa lagu gubay hareeraha Avenue Gambetta. sidoo kale walxo ayaa lagu tuuray bilayska, oo ku jawaabay gaaska dadka ka ilmeysiiya, ayuu qoray NTB.

Sharciga cusub ee ay soo bandhigtay dowlada madaxweyne Emmanuel Macron ayaa dowlada siin doona awood dheeri ah oo ay kula socon karaan, isla markaana xadeyn doonta suurta galnimada in sawirada booliska lagu wadaago warbaahinta, sida uu qoray Reuters.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here