Home Wararka Caalamka Wasiir ka tirsan Dowlada Sweden oo iska Casilay Xilkiisa

Wasiir ka tirsan Dowlada Sweden oo iska Casilay Xilkiisa

0

BM Nilsson, wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Sweden , ayaa go’aansaday inuu iska casilo xilkii uu ka hayay dowladda, maalmo kadib markii lagu helay inuu ku xad-gudbay sharciga ugaarsiga.

Waxa uu boggiisa Facebook ku soo qoray in uu fahmay dhibta ay leedahay in shaqada lagu sii jiro intaas oo dhan ka dib.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Hore waxa aan uga cudur daartay in aan 1.5 sano ka hor soo qabtay Isha,

Waan fahamsanahay sida aysan u habboonayn in la qabto Xayawaanka fasax la’aan oo aanan u sheegin maamulka wixii dhacay – inkastoo haddana aan dib ugu noqday oo aan qirtay inaan qabtay 15 kalluun.”

Wuxuu intaas ku daray in uu ka tagi doono shaqada uu hadda u hayo dowladda.
Toddobaad ka hor, wasiir Nelson waa la ganaaxay, ka dib markii uu ugaarsaday masaska badda jasiiradaha Blekinge 2021-kii.

Madaxa dawladda, Ulf ayaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay magacaabista Nelson booskiisa inkasta oo uu og yahay inuu sharciga jabiyay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here