Home Wararka Caalamka Dadka Aanan Helin Sharciga Sida ugu Dhaqsiyaha Badan Dalka Halooga Saaro ”...

Dadka Aanan Helin Sharciga Sida ugu Dhaqsiyaha Badan Dalka Halooga Saaro ” Qeybta Socdaalka oo Go’ano soo saartay Dhankeeda

0
Foto: Jessica Gow/TT

Iyadoo Austria ay ugu baaqday Midowga Yurub inay dhisto xayndaab xuduudeed ay la wadaagto Turkiga , Denmark ayaa ku baaqday in Afrika laga sameeyo xarumo magangalyo, waxa muuqata in hal shay ay isku raaceen wasiirrada socdaalka EU oo ah in laga hortago Qaxootiga soogalaya Midowga Yurub.

Wasiirada Yurub oo maanta shir aan rasmi ahayn yeeshay Magaalada Arland ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan dalka looga saaro dadka aan la siinin magangalyada .

Sweden ayaa dhankeeda doonaysa in ay kordhiso cadaadiska wadamada aan la shaqayn si ay dib ugu soo celiyaan muwaadiniintooda.

“ Waxaan rabnaa in aan ka faa’ideysano fursadaha aan ku hakin karno fiisaha,” ayay tiri wasiirka socdaalka Maria Malmer Steinergaard oo la hadashay wakaaladda wararka Sweden.

Waxaan ka hadlay siyaabo kale oo ay ka mid yihiin in gargaarka iyo ganacsiga loo adeegsado in cadaadis lagu saaro dalalkaas

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here