Home Wararka Caalamka Dowlada Turkiga oo Albaabada u laabtay Wada-hadalo lala galo Sweden

Dowlada Turkiga oo Albaabada u laabtay Wada-hadalo lala galo Sweden

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut ayaa sheegay in “wax faa’iido ah lahayn” in Turkigu uu wakhtigan wada hadal la yeesho Sweden iyo Finland oo ku saabsan xubinnimada NATO. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Mevlüt Çavuşoğlu ayaa intaa ku daray in aan si rasmi ah loo codsan in la kala saaro codsiyada xubinnimada Sweden iyo Finland.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa horaantii isbuucan sheegay in Sweden “aysan filan karin taageero” xubinimadeeda NATO ka dib markii Rasmus Paludan uu ku gubay Stockholm nuqul ka mid ah Quraanka.

Halka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga uu maanta shir jaraa’id ku yiri “Falkan foosha xun ee ka dhacay Sweden waa dambi naceyb. Waa fal cunsuri ah. Qofna yuusan odhan waa xoriyatul qawlka”.

“Ma ahan wax macno ah in hadda kulamo lala yeesho Sweden iyo Finland,” ayuu raaciyay.

Rasmus Paludan oo ka tirsan garabka midig ayaa ku gubay safaaradda Turkiga ee Stockholm horteeda sabtidii lasoo dhaafay nuqul kamid ah qur’aanka kariimka ah, taasoo dhalisay falcelin caro leh oo caalamka oo dhan ka dhacay. Halka Turkiga uu ka dhacay banaanbaxyo lagu gubay calanka Sweden

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here