Home Wararka Caalamka Qarax ka dhacay Xaafada Akalla ee Waqooyiga Caasimada Stockholm

Qarax ka dhacay Xaafada Akalla ee Waqooyiga Caasimada Stockholm

0
Johan Nilsson / TT

Qarax ayaa ka dhacay afaafka hore ee dhismo la daganyahay oo ku yaalla degmada Akala ee waqooyiga magaalada Stockholm , balse ma jirto cid wax ku noqotay.

Booliska ayaa 03:38 ka helay warbixino dhowr qof ah oo sheegaya in qarax la maqlay.

Anna Westbury oo ah afhayeenka booliiska ayaa sheegtay in uu ahaa qarax xooggan oo ka dhacay albaabka guri dabaq ah Xaafada Akalla.

Booliska ayaan ka hadlin qaraxan inuu xiriir la leeyahay mowjado qaraxyo ah oo dhawaanahan ka dhacayay magaalada Stockholm iyo in kale. “Waa goor hore in wax laga sheego taas, laakiin dabcan waa qayb ka mid ah baaritaanka,” ayuu yiri Vestbury.

Booliska ayaa isku gadaamay agagaarka dhismaha, iyadoo farsamayaqaannada walxaha qarxa ay aadeen inay baaritaan farsamo ka sameeyaan goobta.

Dadweyne aad u fara badan ayaa ku soo toosay dhawaqa qaraxa, Barzan oo ku nool agagaarka dhismaha ayaa yiri “Waxaan ku soo toosay qarax xooggan. Banaanka ayaan eegay laakiin waxba ma arag. Way xun tahay, waanu baqnay.”

Booliska ayaa sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay qaraxa. “Waa nooc aan la garanayn oo ah walxaha qarxa,” ayaa lagu qoray Shabakada Booliska.

Waa qaraxii 9-aad ee sanadkan ka dhaca gobolka Stockholm. Deegaano ka tirsan gobolkaasi ayaa waxaa ka socda mowjado rabshado ah oo u muuqda rasaas iyo qaraxyo ka dhashay dagaal 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here