Home Wararka Caalamka Wargeyska Charlie Hebdo oo kartoon ka sameeyay Madaxweynaha Turkiga Erdogan

Wargeyska Charlie Hebdo oo kartoon ka sameeyay Madaxweynaha Turkiga Erdogan

1

Majaladda majaajilista ah ee Faransiiska Charlie Hebdo ayaa Arbacadii maanta daabacday sawir gacmeed xasaasi ah oo loo jeedomadaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan xilli xiisad sare ay ka dhexeyso isaga iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Sawir gacmeedka ayaa laga dheehan karaa Erdogan oo fadhiya isla markana xiran funaanad iyo nigis, isagoo cabaya biir, isla markaana kor u qaadaya xijaabka haweeney muslin ah si ay ugu muujiso dhabarkeeda qaawan.

Cabitaanka khamrig ayaa xaaraan ka ah dadka muslinka sidaasi darteed jornalka ayaa sawirka u soo daabacay aflagaado ahaan.

Sabtidii, Erdogan wuxuu sheegay in Macron uu u baahan yahay daaweyn “maskaxeed” ka dib faallooyin taxane ah oo uu madaxweynaha Faransiisku ku dhaleeceeyay Islaamka oo uu ku sheegay inay la jaan qaadi karin dunida.

Paris waxay dib ugu yeertay safiirkeedii ka joogay caasimada Turkiga, ee Ankara, Axadii, iyadoo Erdogan uu ku biiray baaqii Isniinta ee ahaa in wadamada Islaamka ay qaadacaan wax soo saarka Faransiiska.

Charlie Hebdo, oo 2015 sawir gacmeedyadiisii ​​ku jeesjeesay Nebi Muxamed NNKH ayaa dhiirrigaliyay dhowr weerar oo argagixiso.

Dowlada Turkiga ayaa ka hadashey gaar ahaan madaxda Dowlada ugu sareesa kuwaasi oo cambaareeyay Sawirka laga sameeyay madaxweynaha.

Somaliska Austria

AD

1 COMMENT

  1. Waxa ay ila tahay Faqidaada Qodobka ay Abuurta shabakadaa Faransiiska ee ay kumataleen Madaxweynaha Turkiga waa Aarsi iyo Arimo qar iska tuurnimo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here