Home Wararka Caalamka Haweeney madaxda looga jaray Weerar loo adeegsaday toorey/mindi oo ka dhacay Faransiiska

Haweeney madaxda looga jaray Weerar loo adeegsaday toorey/mindi oo ka dhacay Faransiiska

0

Booliska Faransiiska ayaa subaxnimadii Khamiista sheegay in saddex qof lagu dilay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Nice, iyadoo dhowr qof oo kalena lagu dhaawacay.

Raiisel wasaaraha Faransiiska Jean Castex wuxuu sheegay in wadanka uu sare u qaaday heeganka amniga qaranka si “deg deg ah,” oo ah heerkii ugu sareeyay ee macquul ah.

Duqa magaalada Nice Christian Estrosi ayaa sheegay in la qabtay tuhmanehii ka dambeeyay weerarka. Estrosi wuxuu sheegay inay u muuqatay in dhacdadani ay ahayd weerar argagixiso oo lagu qaaday kaniisada Basilica-ka.

“Waxaan ka codsanayaa dadka reer Nice inay ka fogaadaan aagga inay u ogolaadaan booliska iyo howlaha gurmadka,” ayuu qoray Estrosi.

Duqa magaalada oo lahadlayay wariyaasha ayaa sheegay in ninka lagu tuhunsanyahay in uu fuliyay weerarka uu ku dhawaaqayay allaahu akbar Wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu imaanayo magaalada.

Shakhsigan ee ay toogteen oo ay dhaawaceen booliska, ayaa “shaki la’aan ayaa muujiyay macnaha ficilkiisa,” ayuu yiri Estrosi. Wuxuu intaas ku daray in dadka loo laayay “si xun.”

Warbaahinta faransiiska ee Europe 1 ayaa baahisay in ninkan uu weeraray dhowr qof waxaana dhimashada dadkaas ku jirtay haweeney madaxa laga jaray.

somaliska Paris

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here