Home Wararka Caalamka Wararkii Ugu Danbeeyey Xamaas oo war ka soo saartay xaaladda Qasa

Wararkii Ugu Danbeeyey Xamaas oo war ka soo saartay xaaladda Qasa

0
Foto: Ariel Schalit / AP / NTB Foto: NTB

Basim Naciim,oo ka mid ah madaxda sare ee Xamaas, oo la hadlay BBC-da, ayaa soo dhaweeyay ansixinta qaraarka ay meel mariyeen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey, kaas oo lagu dalbanayo xabad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Qasa.

Mas’uulkaan ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in tillaabadaan ay caddeyn u tahay sida in badan oo bulshada caalamka ka mid ah ay u rabto joojinta dagaalka lagu hayo Falastiiniyiinta.

“Arrintaan waxay caddaynaysaa in dunidu ay rabto oo ay taageerto joojinta rabshadaha” Sababtoo ah waa kuwo ka dhan ah Falastiiniyiinta” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Wuxuu sheegay in Mareykanka diimadiisu ay muujineyso sida uu ugu lug leeyahay dambiyada ka dhacaya Qasa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here