Home Wararka Caalamka Sheekada Wiilkan sida loo shirqoolay,kadibna muuqaalkiisa baraha bulshada lagu baahiyay isaga oo...

Sheekada Wiilkan sida loo shirqoolay,kadibna muuqaalkiisa baraha bulshada lagu baahiyay isaga oo ay Haween badan garaacayaan

0

Maalmo ka hor waxaa baraha bulshada aad loogu faafiyey muuqaal ay haween garaacaya ka duubeen wiil dhalinyaro ah oo shukaansi u aaday gabar degan guri yalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Kiiskaas waxaa ku soo baxay hey’adaha amniga, gaar ahaan booliska, waxaana la soo xiray lix haween ah oo wiilkaas jir dil u geystay.

Galabta wiilkii jir dilka loo geystay ee muuqaalka laga duubay ayaa warbaahinta la hadlay, gaar ahaan TV-ga Dalsan, isagoo faahfaahin ka bixiyey sidii ay wax u dhaceen.

Wuxuu ka sheekeeyey qaabkii loo shir-qoolay, isagoo sheegay in gabadhii uu shukaansiga u soo aaday iyo shan haween ah oo kale ay ku garaaceen baangado iyo ulo.

Haweenka ayaa muuqaal ka duubay wiilkaan intii ay garaacayeen, kadibna waxay ku baahiyeen baraha bulshada, booliska ka howlgala degmada Waaberi ayaa deg dhe kiiskaan ugu soo baxay, iyadoo aan loo dacwoon, sida uu sheegay wiilkaan.

Wareysiga laga qaaday wuxuu ku sheegay in markii hore gabadha uu la haasaawayey ay damacday inay biyo siiso, balse uu diiday, intaas kadib wuxuu sheegay in gabadhii ay ka tagtay oo banaanka u baxday, kadibna shaki galay.

Wuxuu isku dayey inuu ka tago guriga, balse wuxuu sheegay in irida hore ee guriga ay ku qabteen haween badan oo baangado wata, kuwaas oo garaacay muuqaalna ka duubay.

Intii uu ka sheekeynayey sida loogalay, wuxuu sheegay in ‘Maraq’ madaxa looga shubay, kadibna uu argaagaxay, muuqaalkii ay ka duubeen wiilkaan ayaa deg deg u baahay, wuxuuna sababay in gurigii boolis tago oo lasoo qabto dumarkaas oo gaaraya lix qof.

Hada waxaa la sheegay in dumarkii falkaas geystay ay ku xiran yihiin xabsiga dhexe oo loo gudbiyo, si kiiskooda loogu gudbiyo maxkamad, sidoo kale wiilka dhibanaha ah ayaa sheegay in uusan ku qanceyn wax aan cadaaladda aheyn.
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here