Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobey oo dalbatay xabad joojin degdeg ah oo laga sameeyo Qasa

Qaramada Midoobey oo dalbatay xabad joojin degdeg ah oo laga sameeyo Qasa

0

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay qaraar aan dhaqan gelin oo lagu dalbanayo xabbad-joojin bini’aadantinimo oo degdeg ah oo laga sameeyo Qasa.

153 dowladood oo xubnaha ka ah ayaa u codeeyay, 10 ayaa diiday, waxaana ka aamusay 23 dal.

Tani waxay ahayd isku daygii labaad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay kaas oo bishii Oktoobar ku baaqay “xabad-joojin bini’aadantinimo oo 121 dal u codeeyeen, 14 ayaa diiday halka 44 ay ka aamuseen.

Qaraarkan ayaanan aheyn mid qasab ka dhigaya xabbad-joojinta, hase yeeshee xambaarsan miisaan siyaasadeed oo sawir ka bixinaya aragtida iyo halka ay dagaalka Gaza ka istaagsanyihiin dowladaha caalamka.

Maamulka Falastiin ayaa soo dhaweeyay qaraarka kuna boorriyay waddamada in ay Isra’il cadaadis ku saaraan dhaqangelinta xabbad-joojinta.

Danjiraha Israa’il u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa inti aysan billaaban u codeynta qaraarka ee Golaha Guud sheegay, in xabbad-joojinta ay kaliya sii dheereyn doonto dhimasho iyo burbur ka sii dhacda mandiqadda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here