Home Wararka Caalamka Dowlada Faransiiska oo ku adkeysaneysa Dhaqangalinta Sharciga Cusub ee Qaxootiga

Dowlada Faransiiska oo ku adkeysaneysa Dhaqangalinta Sharciga Cusub ee Qaxootiga

0

Dowladda Faransiiska ayaa ku adkeystay Talaadadii in ay dhaqan gelin doonto tillaabooyin adag oo ka dhan ah muhaajiriinta sharci darrada ah xilli ay la dagaallameyso qalalaase siyaasadeed ka dib diidmo hindise sharciyeedkeeda socdaalka ee aqalka hoose ee baarlamaanka Isniintii.

Talaabadan lama filaan ah Isniintii, xubnaha mucaaradka ayaa ku biiray golaha shacabka ee baarlamaanka si ay ugu codeeyaan sharciga muranka dhaliyay iyadoo aan xitaa laga doodin, taasoo dhalisay xiisad siyaasadeed.

Diidmada mid ka mid ah hindisayaasha calamiga ah ee dowladda ayaa guul darro bahdil ah ku ah madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo aan haysan aqlabiyadda baarlamaanka, waxaana ay ku soo beegantay iyadoo ay bulshada dhexdeeda dood adag ka taagan tahay socdaalka iyo ammaanka.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhaleeceeyay sharcigan oo doonaya in lagu adkeeyo sharciga socdaalka ee dalka, iyagoo sheegay in Faransiisku uu ku tiirsan yahay muhaajiriinta ay ku jiraan shaqaale aan sharciyeysneyn oo ka shaqeeya warshado badan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here