Home Wararka Caalamka Turkiga oo ku eedeeyay Giriiga dib u soo celinta Muhaajiriinta

Turkiga oo ku eedeeyay Giriiga dib u soo celinta Muhaajiriinta

0

Ilaalada xeebaha Turkiga ayaa sheegay in ay badbaadiyeen 122 muhaajiriin ah oo laga soo celiyay Giriiga badda Aegean Isniintii (December 11).

Ciidamada ilaalada xeebaha Turkiga ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay soo badbaadiyeen 122 qof oo tahriibayaal ah oo maamulka Giriiga ay dib ugu celiyeen biyaha Turkiga.

Turkiga ayaa sheegay in ilaaladeeda xeebaha ay 87 tahriibayaal ah ka soo qabteen dooni mareysay xeebta degmada Karaburun, ee gobolka Izmir, iyo 35 muhaajiriin ah oo la socday doon yar oo mareysay xeebta Menderes, oo sidoo kale ka tirsan gobolka Izmir, sida lagu sheegay bayaanka la sii daayay Isniintii (December) 11).

Muhaajiriinta ayaa dabadeed la geeyay waaxda socdaalka ee gobolka, sida ay sheegtay wakaaladda Anadolu ee dalka Turkiga.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Turkigu uu sheego in uu soo badbaadiyay muhaajiriin ay gadaal ka riixayaan mas’uuliyiinta Giriiga. Waa sheegasho uu Giriiggu marar badan diiday.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here