Home Wararka Caalamka Wararkii Ugu Danbeeyey Xaalad cakiran oo ka taagan Khan Yunis koonfurta Qasa

Wararkii Ugu Danbeeyey Xaalad cakiran oo ka taagan Khan Yunis koonfurta Qasa

0
Photo/Agencja Gazeta/via REUTERS

Wararka ka imaanaya koonfurta Qasa ayaa sheegaya in taangiyada Israa’iil ay galayaan magaalada halkaas oo maalmahaan duqeymo iyo dagaallo ay ka socdeen.

Arrintaan ayaa xaalad cakirnaan ah sii galineysa Khan Yuunis oo ah meel markii hore ay isugu tageen dadka ka soo barakacay qaybaha kale ee Qasa.

Dadka halkaa ku dhaqan ayaa wajahaya dhibaatooyin isugu jira cunto la’aan biyo la’aan iyo hoy la’aan, iyadoo sidoo kale ay ku socdaan duqeymo aan kala joogsi laheyn.

Waqooyiga Qasa ayaa waxaa sidoo kale ka socda duqeymaha ay gaysanayaan diyaaradaha Israa’iil iyadoo xaalad isku mid ah ay ka jirto koonfurta iyo waqooyigaba.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here