Home Wararka Caalamka Amar Caalami ah oo lagu xirayo Wiilka Madaxweynaha Xassan Shiikh oo lasoo...

Amar Caalami ah oo lagu xirayo Wiilka Madaxweynaha Xassan Shiikh oo lasoo saaray

0

Turkiga ayaa soo saaray amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa looga shakisan yahay inuu mas’uul ka ahaa shil halis ah oo ka dhacay Magaalada Istanbul kaasi oo lagu dilay nin40 sano jir oo watay Mooto.

– Xaqiiqda ah in tuhmanuhu uu dalka ka baxay waxay sii kordhinaysaa xanuunka qoyska, ayuu duqa Istanbul ku qoray X.

30-kii Noofambar ayay ahayd markii uu baabuur si toos ah u dulmaray mooto magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Sida ku cad warbixinta booliiska, waxaa cad in Mohammed Hassan Cheikh Mohamud uu ahaa darawalka gaariga, oo laga leeyahay qunsuliyadda Soomaaliya eeTurkiga sida ay sheegtay BBC.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here