Home Wararka Denmark Sweden oo kasoo horjeesatay Xabad Joojinta Israel iyo Hamaaz

Sweden oo kasoo horjeesatay Xabad Joojinta Israel iyo Hamaaz

0
Foto: Oscar Olsson/TT

Wasiirka arrimaha dibadda Sweden, Tobias Billstrom, ayaa diiday inuu taageero dalabka xabad joojin ee Gaza oo ay soo bandhigtay Spain Malta, Belgium iyo Ireland.

Bellstrom ayaa u sheegay wakaalada wararka Sweden ee TT: “Ma ku baaqi karno xabad joojin taasoo ka dhigan inIsraa’iil aysan la dagaalami karin Xamaas.” Tani cadaalad ma noqon doonto.”

Wadamada ku jira Midowga Yurub ayaa maanta oo Isniin ah isugu yeeray shir heer wasiir ah oo ka dhacay Brussels, si Xabad looga sameeyo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Hogaamiyayaasha Ireland, Spain, Malta iyo Belgium waxay ku sheegeen warqad ay u direen madaxweynaha golaha Yurub Charles Michel, “Waa inaan si deg deg ah ugu baaqnaa dhammaan dhinacyada inay ku dhawaaqaan xabbad joojin bini’aadantinimo oo horseedaysa joojinta dagaalka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here