Home Wararka Caalamka Xuutiyiinta Yemen oo gantaal la Helay Markab ganacsi iyo faahfaahin ka soo...

Xuutiyiinta Yemen oo gantaal la Helay Markab ganacsi iyo faahfaahin ka soo baxaysa

0
(Russian Defense Ministry Press Service via AP) TT

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in markab ganacsi uu haleelay gantaal nooca loo yaqaano cruise-ka oo laga soo riday dhanka Yemen, gaarahaan dhulka ay maamulaan fallaagada Xuutiyiinta ee ay taageerto dowladda Iran.

Wararka ayaa sheegaya in markabka laga leeyahay dalka Norway.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaan oo dhacay Isniintii uu sababy dab ka kacay markabka Strinda, xilli uu marayey marinka Bab-el-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo gacanka Cadmeed. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka sida la wariyay. Mareykanka ayaa la sheegayaa in markabkaas uu gargaar u fidiyay.

Dhinaca kale, hay’ad British ah oo qaabilsan badaha ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan markab lagu amray inuu baddalo jikii uu mari lahaa balse lama faahfaahin.

Ma cadda in arrintaan ay xiriir la leedahay weerarka.

Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay beegsan doonaan dhammaan maraakiibta ku wajahan waqooyiga Israa’iil, waxayna uga digeen shirkadaha maraakiibta caalamiga ah inay la macaamilaan dekedaha Israa’iil.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here